Saturday, January 18, 2014

Gabadh Jeclaatay fanaan Cali dhaanto 2014

"Aad buu ii xiiso galeyey oon ula dhacay, jacayl weyna aan ugu qaaday fanaanka Cali dhaanto". Kuwaasi waxay ka mid yihiin hadaladii inanta jeclaatay fanaanka oo baaq kalgacal hawada u marisay isaga, iyadoo si gaar ahna u codsatay inuu la soo xidhiidho.  Waa arrin yaab u keentay dad badan, qirashada iyo qayaxnaanta jacaylka aragtida kaliya ka dhashay ee  inantaasi ku cuslaaday, kaasoo ay tidhi jiif iyo jidiinba kala tagnay.  Iyada oo ay sidaa tahahay ma la odhan karaa waa jacayl dhab ah mise waa xiise gaaban oo ku saleysan qushuuc?  su'aashaasi iyo qaar kaloo badanba waxaan ka sugaynaa jawaabahooda fanaanka iyo Saynab!. Milgo USA


No comments:

Post a Comment