Thursday, April 18, 2013

Xaalad kale...........Romantic verses by Milgo

Xikmad iyo aqoon inankaan kuba xisaabaayey
een xurmiyo sharaf hadal ku xaadhxaadhnay
xaajo kale iyo tuhun anoon kuba xasuuqaynin
xaalad adagiyo haduu galay miduu ku xakameyso
xil gudashiyo haduu duni la xifanaayo
xaalku siduu yahay iyo haduu hakad la xaajooday
ama xisaabtan galadiyo xakam inuu kusoo gooyo
raggu waa xaliyaa arrine aamuska xaydoobay
ama xaasid maqlayoo xamxamtiis ku yeeshooday
oo xusuusku rid is yidhiyo inay madaxa xaadhxaadho
nin xujeeysan oo xog waayey talo ku xifataaye
xeelad ku bislee intaan taladu kaa xoornim!

Milgo 10:01 am 4/17/13

No comments:

Post a Comment