Tuesday, November 6, 2012

Hadaan................Qodobada Jaylka by Milgo

 
Ka akhriso gabayadayda My Somali Culture oo noqon doona meesha kaliya een ku soo bandhigi doono. Kuna raaxayso dhaqankaaga.
 
 
 
Hadaan waayo dhami jiray

Oo dheehayga nuurkiyo

Wadnaha u dhibi jiray

Hadaan dhadhamin jiray

Dharabkiisa raaxada

Nafta aanku dhayi jiray

Hadaan dhuumashiyo orod

Halka uu ka dhowyahay

Dhaayahayga odhan jiray

Hadaan dhuuxiyo lafaha

Inta aan dhambaal qoro

Dhankiisa u diri jiray

Hadaan dhuubashiyo xanuun

Dhibic ilmada hayn jirayoo

Saqda dhexe u dhalalka

Dhugashadiisa kay dhibay

Naftu ayku dhafri jirtay

Hada waan ka dhowrtay

Hidiihiisa dhalan roganiyo

Dhabadiisa ciilka leh

Uma dhaco dhankiisiyo

Nafta waan ka dhaariyey.

Ka akhriso gabayadayda My Somali Culture oo noqon doona meesha kaliya een ku soo bandhigi doono.  Kuna raaxayso dhaqankaaga.

milgo 5:44 pm
22nd October 2012

2 comments:

  1. i'm really proud of your talent in somali poem, good work and if you need help please contact me. email:abdirizaakyabdi@gmail.co.uk

    ReplyDelete
  2. thank you abdirizaak, have a good day. milgo

    ReplyDelete