Monday, September 17, 2012

Timaha Hablaha Soomaaliyeed

Timaha hablaha geeska afrika, gaar ahaan kuwa dumarka Soomaaliyeed waxay u kala baxaan saddex nooc: Jileyc (ama timo hindi) sida soomalida qaar u taqaano, Dhexdhexaad (ama garab adeyg), iyo kuwo aad u adag (ama nooca timo baantuuga loogu yaqaano).
 

Hiddo raaca, timaha Soomaalidu mid mooyee labada kale maaha qaar ku xidhan qabiil, qolo gaar ah, deegaan iwm.  Ee waa kuwo dhamaan dadka deegaanka asalka ah ee soomaalidu uwada siman yihiin dhamaan (timaha jilicsan iyo kuwa meel dhexaadka ahba).  Inkastoo ay bulshadeenu u badan tahay kuwa dhexdhexaadka ah.

Nooca saddexaad waxa isir ahaan gaar u leh soomalida koonfurta Somalia degta gaar ahaan Soomaali Bantuuga.  Kuwaasoo taariikh ahaan iyo sinji ahaan xisaabsaneyn Somali asal ah, balse jinsiyada ku helay deganaansho ahaan.  Iyagoo asal ahaan qarniyadii hore ee tagay, laga soo waariday dalalka mid ah qaarada africa oo aad inooga fog.  Oo u adeegi jiray isticmaaradii kala duwanaa ee dhulka Soomaalida soo maray.  Timaha Somalida baantuuga, waxa loo aqoonsaday inay yihiin timaha caalamka ugu adag, ee ugu korniinka yar!

Inkastoo beryahan danbe soo badatay ku xaragoodka iyo xidhashada baruukooyinka (timaha macmalka ah),  waxaad moodaa inay haween badan oo Soomaliyeed ka gaabsadeen korinta iyo daryeelka timahooda dabiiciga ah.  Taasi oo qaar badana marmarsiiyo ka dhigtaan in aanay wakhti  u haynin timo koris oo ay howl nacayka jaraanba!.

Waxa hubaal ah in 90% gabdhaha Soomaliyeed madaxa qariyaan, balse masarka ay tuuraan mararka xaflad ama aroos layskugu yimaado.  Oo mid waliba baraxa soo dhigto xoogaaga!.

Arrintaasi oo noqotay mid  aan layskugu laba yaabin, ahna mid aniga qudhaydu aanan fahmin; oo aanan faduulininba qudhaydu.  Hadana waa su'aal taagan! waayadeedu?


Hase ahaatee dhaqankeenu hiddo ahaan, waxa  jirtay marka inantu yar tahay in loogu xiiri jiray madaha hab gaar ah oo ku caan ahaa da'deeda loona yaqaanay (koob iyo seesar).  Astaantaas oo muujinaysay caruurnimada.   Xoogaa markay inantaasi yara korto ee ilaa tobanka sano ku dhowaatona, in timaha laga wada goyn jiray si kuwo cusub oo is le'egi ugu soo baxaan.  Taasina waxay muujin jirtay gabadhnimadeeda.  Halkaana gayaankeedu ka eegan jiray ilaa iyo intay howlkarnimo iyo xil qaadis ka gaadheyso.  Hab dhaqankaasina si weyn u taabo galayna waxa marwooyinka laftoodu xidhan jireen gambo oo way kawiran jireen , halka kuwa koonfurta Somaliyana xidhan jireen masar shaash xariir ah.   Marxaladahaa kala duwan ee habeynta timahooda, waxaa mamnuuc ka ahayd in gabadha la qabaa timaha rablaysato, qaawiso ama ku dayato hablaha dhalinyarada ah.
 
Waxa xaqiiqo ah in Soomalida lagu tiriyo dadka aduunka ugu quruxda badan, taasoo qayb weyni ka tahay timaheena.  Iyagoo muujinaaya hiddo raaca iyo qorqornaanteena gaarka ah ee aynu kaga duwanahay qawmiyadaha kala duwan ee aduunka.  Waxay u baahan yihiin timihu khaasatan kuwa haweenku daryeel iyo dhaqaale gaar ah.  (hadii aad xiiseyneyso sidaad u  korin lahayd ama u daryeeli lahayd timahaaga la soco maqaalka cusub een soo wado).
 
milgo
USA
 

1 comment:

  1. Wow, maansha allaah! Gabdhaha soomaaliyeed Allaha noo daayo

    ReplyDelete