Monday, February 6, 2012

MY SOMALI CULTURE: Cumar Dhuule Cali (Waraysi).

MY SOMALI CULTURE: Cumar Dhuule Cali (Waraysi).

1 comment:

  1. Cumar Dhuule,(AUN)wuxuu ahaa mid ka mid ah fanaaniintii ugu caansanaa ugu cod macanaa ee Soomaali soo mara. Wuxuu ahaa abawaan ahna heesaa, wuxuu kaloo ahaa fanaankii ugu horeeyey ee matala haween.

    Faaladan kuma soo koobi karo qiimaha iyo sharafta uu ku dhex leeyahay umada Soomaaliyeed ee fanka jecel iyo kuwa uu qaraabada iyo asxaabtaba la ahaa.

    Aad ayaad walaashay ugu mahadsan tahay inaad soo galiso oo u soo bandhigto asxaabtaada la socota dhaqanka Soomaaliyeed oo hadii aan la helin shaqsiyaad adiga oo kale ah oo sidaan camal shuruud la'aan u aruuriya ay dhici karto in uuba naga tir tirmo.

    Maasha'allaah, aad ayaan ugu farxay markaa halkan ku arkay, dabcan wixii hada ka danbeeyana wuxuu boggani ii noqon doona barta kulanka barashada iyo xasuusta dhaqankeena wanaagsan ee Soomaaliyeed

    Mahadsanid

    ReplyDelete