Thursday, August 4, 2011

Somali Muslims Changing Small Town in USA.

Shelbyville waa magaalo yar oo ku taala Gobolka Tennessee ee Midowga Dalka Maraykanka, waxaanay u dhow dahay caasimada koowaad ee magaalo madaxda gobolka Nashville.  Magaalada Shelbyville waa mid aad u yar oo qof kastaaba garanaayo qofka kale, iyadoo ka mid ah meelaha aanad marnaba ka filanaynin inaad ka hesho qof Muslim ah Soomaalina warkoodaba daa! 

Dadweynaha ku nool magaalada oo lagu qiyaasay isugayntii 20,149 qof sidaan ka soo xiganay city-data.com, ayay ugu badan deegan ahaan dadka cadaanka ah.  Maqalka magaca Soomaalina badankooda waxa ugu horaysey maqalidiisa filimkii Black Hawk Down ee laga sameeyey dagaalkii  dhex maray Janaraal Cadiid iyo ciidamada Maraykanka 1993kii, sidaa uu sheegay daadihiyaha barnaamijku. 

Hadaba sidee bay ku tageen una gaadheen dadkeenu magaaladaasi? habkee bay ula qabsadeen ama loogu soo dhaweeyey?  maxayna la tahay dadka ku nool magaaladaasi noloshaa cusub ee ay galeen?

Dhamaan su'aalahaasi waxaa inooga jawaabaya barnaamijkan hoose ee daawasho wanaagsan, kuna dhiibo odhaahdaada waxay kula tahay sanduuqa hoose.


Ka hel MY SOMALI CULTURE, sheekooyin, warbixino iyo maaweelooyin taabanaya dadkeena iyo dalkeena.

No comments:

Post a Comment