Monday, August 8, 2011

Rahiima Heeso Xamari ah.

Raxiima waa fanaanad da'yar oo ku nool dalka Ingiriiska, iyadoo lagu hubo cod macaani iyo xirfad faneed ka gaar ah Fanaaniita Soomaliyeed intooda kale. Waxa ay dib u soo nooleysiisaa heesihii hore ee fanaaniinta hore sida Faadumo Qaasim Hilowle. Heesaheeda oo u badan banaadiriga ama xamariga kolba saad u taqaano, waxa ay ku dartaa matalaada (jilida)sheekada ama fariinta ay xambaarsan tahay heesteedu. Raxiima Waxaan u rajaynaynaa horumar iyo dadaal dheeraad ah inay ku waarto. Hadaad tahay taageerayaasheeda kala xidhiidh fanaanada barta shabakada Buuga Wajiga (facebook), adiga oo ku raadin kara magaceeda.






No comments:

Post a Comment