Sunday, April 24, 2011

HEESIHII UBAX DAAHIR (FAHMO)


Hagrasho malaha Ubax Daahir Fahmo, in badana waan u riyaaqnay codkeeda macaan iyo heesahaheeda iyada oo ah fanaanad qaali ah lagana xiiseeyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Taasi oo jirta waxa nasoo gaadhay codsiyo badan oo la xidhiidha soo ururinta heesaheeda, anaga oo isku keenay xul aad u qurux badan, waxa ay imika ku dartay fankeeda jilida aflaamta Soomaliga ah iyada oo si joogto ah u soo diyaarisa bandhig faneedyo kala duwan. Waxa u dheer quruxda, dadnimada iyo codka macaan xishoodkii lagu yiqiin hablaha Soomaliyeed; degenaan iyo xirfad faneed u gaara ah iyada.

Waxay u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay ku dadaashaa ilaalinta luuqdii dhabta ahayd ee heesaha ku saleysnaa Suugaanta asalka ah oo iska leh astaan gaar ah, iyada oo marnaba kadaba dhicin hababka cusub ee soo baxay iyo muusiga casriga ah. Sidaa awgeedna ay xiiseeyaan dhamaan shacbi weynaha afsoomaliga ku hadla ee ku nool aduunka dacaladiisa.

halkan kala soco wixii cusub kana dhigo MY SOMALI CULTURE barta caweyskaaga.

Hadii aad tahay taageerayaasheeda gaarka ah kala xidhiidh fanaanada barta xaashideeda FACEBOOK, adiga oo ku heli kara magaceeda ama Ubax Fahmo.

Ha iloobin inaad nala soo socodsiiso codsigaaga iyo wixii ra'yi ah.  Daawasho Wacan.



Heestii Hido


UBAX IYO CABDI FANAX





IGU LABA AHOW.......


HANADOOW....

AXDI.......


GUDCUR.....


IL DUUF.....



SAMIR.......


REERKU....UBAX DAAHIR IYO GUULANE AXMED.


Faysal Yare iyo Ubax..


Waxaa mahad gaar ah iska leh fanaanada iyo dhamaan fanaaniinta, mulaxamiinta, soo diyaariyayaasha, muusig sameeyayaasha iyo dhamaan dadka u suurto galeyey MY SOMALI CULTURE inay idiin soo ban dhigaan fiidiyowyadani.

No comments:

Post a Comment